Siyaasadda Venstre ee Af-Somali
Ufakir si cusub: Cimilada iyo Deegaanka
Isbeddelka cimilada ayaa sii kordhaya, waxaana muuqata in Norway aysan gaadhin yoolalka cimilada. Deegaanka dabiiciga ah ayaa maalin kasta la burburinayaa.
Tani ma sii socon karto. Haddii aad codkaaga siisid Venstre, waxaad dooranaysaa siyaasad cagaaran oo dhab ah: in si degdeg ah loo yareeyo wasakhowga hawada iyo in la ilaaliyo deegaanka.
- Waa in la dhimaa qiimaha alaabta deegaanka u roon
- Waa in la kordhiyaa canshuurta alaabta deegaanka u daran
- Tamarta wasakhda ah waa in lagu beddelaa tamar dib loo cusboonaysiin karo
U fikir si cusub: Horumarinta Dhaqaalaha iyo Ganacsiga
Waxaan u baahanahay dad abuura shaqooyin iyo hal-abuur cusub, balse siyaasadda canshuuraha ee dowladda ayaa ka dhigaysa mid adag in badan oo ka mid ah ay ku guuleystaan ganacsigooda. Ganacsiyadu waxay u baahan yihiin xasillooni iyo in ay sii haystaan qiimaha ay abuuraan. Haddii aad codkaaga siisid Venstre, waxaad siinaysaa ganacsiga fursad uu ku abuuro shaqooyin badan.
- Waa in la fududeeyo oo la dhiirrigeliyo abuurista shaqooyin cusub
- Canshuurta hantida ee ganacsatada reer Norway waa in la baabi’iyo
U fikir si cusub: Iskuulka iyo Waxbarashada
Iskuul iyo waxbarasho wanaagsan waa furaha mustaqbalka. Si kastaba ha ahaatee, carruurta iyo ardayda Norway hoos u dhac ayaa ku yimid waxbarashadooda, kuwa badanna ma qabsankaraan iskuulka.
Waxaan rabnaa in macallimiintu helaan waqti ku filan oo ay carruurta ku taageeraan, si ay u abuuraan xasillooni fasalka ah oo ay u caawiyaan arday kasta. Haddii aad codkaaga siisid Venstre, waxaad dooranaysaa waxbarasho wanaagsan.
- Waxaan rabnaa in aan joojino dhibaatada iyo cagajuglaynta dugsiyada
- Carruur kasta waa in ay bartaan akhriska, qorista iyo xisaabta
U fikir si cusub: Nolol Wanaagsan oo Lagu Koro
Carruur badan ayaa la kulma go’doon iyo saboolnimo. Si kastaba ha ahaatee, siyaasiyiintu waxay ku dheggan yihiin nidaam aan shaqaynayn.
Haddii aad codkaaga siisid Venstre, waxaad dooranaysaa nolol wanaagsan oo xor ah oo loogu talagalay carruurta iyo dhalinyarada.
- Waxaan rabnaa in aan kordhino lacagta carruurta iyo in aan ka dhigno xannaano bilaash ah qoysaska u baahan
- Waa in la xoojiyo isdhexgalka bulshada si qof walba uu uga mid noqdo bulshada
.
Isticmaal xaqaaga codbixinta
U codee Venstre.